Powered By Blogger

Friday, January 20, 2017

FAAIDOOYINKA FAYSBUUGU U YEESHAY BULSHADDA SOOMAALIYEED.


Mudooyinkii ugu danbeeyey waxa kusoo badanayey Bulshooyinka Caalamka gaar ahaan Bulshadda Soomaaliyeed Isticmaalka Aallada Faysbuuga.
Isticmaalka Aalladda Faysbuugu waa middi labo aff-leh. Marwalbana waa sida looga Faaidaysato. Haddi xaga xun looga faaidaystana way ku sari(mudi) haddii dhanka fiican looga faaidaysatana waa si wanaagsan.
Haddaba, Umadda Soomaaliyeed waxa lagu tirin jiray in ay yihiin ummad Xoolo dhaqato ah (Nomadic People) oo afka maala, Qoraalka iyo akhrintana aan aad iskugu fiicnayn...
Sidaa awgeed, Mudooyinkan danabe waxa aad usoo kordhay (Siyaadey) Isticmaalka Aallada Faysbuuga isaga oo ay Bulshaddu u isticmaashey labada dhanba,
Tusaale ahaan, hadii aan kasoo qaadano dhanka toggan (fiican) waxay Bulshadii Soomaaliyeed ee iskugu jirtay Qoraaga, Aqoon yahanka, Dhalinyaradda iyo Haweenkaba, ay aad xooga u saareen siddi ay uga faaidaysan lahaayeen faysbuuga, iyaga oo aad u kordhiya Mihnadoodii wax akhrin iyo wax qoridba...

Waxay aad ugu dadaaaleen oo aad arki kartaa sida ay u barteen qaabka Afka-Soomaaliga loo qorro iyaga oo ilaalinayo Shaqalkiisa iyo Shibanihiisaba...
Haddaba, waxa soo baxay qoraayo badan oo Magac iyo Maamuusba ku dhex yeeshay Bulshadda Soomaaliyeed, waxay maqaalo badan oo ay fikirkooda, Xaallada Siyaasadeed ee lagu jiro, dhibaatooyinka Bulshada, sida Tahriibka, Abaaraha, dhaqan xumadda, Qabyaallada iyo Qodobo oo la xidhiidha arimaha Bulshada ay kusoo bandhigaan si joogta ah baraha ay kuleeyihiin faysbuuga iyo mareegaha kala duwan ee ay leeyihiin Bulsha waynta Soomaaliddu.
Haddaba, waxaan ku doodi karnaa shay (Aaallada) walba oo addunka kusoo korodha waxa ay leedahay faaido iyo dhibaataba.is huwan. Laakin waxa muhiim ah in maanka lagu hayo marwlaba waa sida looga Faaidaysto ama ay u fahmaan isticmaalkeeda toggan Bulshadda uu markaa isticmaalaysaa..
Waxa aan aad u rajaynayaa in Bulshada Soomaaliyeed ay sii kordhin doonaana isticmaalka toggan (fiican) ee faysaguuu leeyahay iyo dhamaan warbaahinta Bulshaddu kana dheeraan doonaan isticmaalka guracan ee dhaqanka, asluubta iyo diinteena suuban kasoo horjeeda...
Qadarin....
Abdihakim Hashi (Dalmar)

Sunday, January 1, 2017